
MAXAA U SABAB AH IN LAMAANA ISJECEL SI FUDUD KU KALA TAGAAN ?
Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal ah isku furaan?” Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas. Dhammaad.
No comments:
Post a Comment