Thursday, May 13, 2010


KHiyaanada IYo Beenta Waa Burburiyaha Jaceelka!!!!!!! INta Badan waxaa dhacda in labo qof oo Lamaane ah ay si kedis ah oo lama filaan ah isu gariifaan amaba ku kala tagaan, waxaana inta badan kala tagoodaas ama is gariifkooda sabab looga dhigaa bilowga haasawahooda oo ay ku unkaan been & hadalo aan jirin oo khayaano ah.

Haddaba beys xumida & been ku shukaansiga ayaa lagu tilmaami karaa kuwa ugu waaweyn ee ka dambeeya khilaafka soo noqnoqda ee ka dhex dhaca Lamaanayaasha, waxa aadna arrintan si toos ah uga dhex fahmi kartaa dhaqan haasawadeedka bulshadeena Soomaaliyeed, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa xikmadda ay ragga qaar ku dhaqmaan ee oranaysa “Naagi been ayaa lagu soo xero geliyaa runna waa laguu dhaqaa” haddii aad u fiirsato xikmaddan waxaad arkaysaa halka ay mushkiladdu ka curato inay tahay guurka salka looga dhigayo beenta, iyadoo la ogyahay in beentu ay xaaraan tahay haddana wax been sal looga dhigay nafci & naxariis kama ay soo baxaan waayo qofkii been lagu soo siray markii uu xaqiiqda ogaado wuu ka aamin baxayaa qofkii soo khalday, taasina waa bilowga ismaandhaafka & kala taga lamaanayaasha Caashaq wadaaga noqday.

Ragga oo kaliya beenta ma adeegsadaan oo dumarkuba waxaay hal-heys ka dhigtaan oraahda oranaysa “Naagi Kun bey kulmisaa, kowna way kala baxdaa” ku dhaqanka murtidan waxaa ka dhalanaya khiyaano, waayo dumarka haddii Kun nin ay haasaawe ku kulmiyaan sow ma dhacayso in nin walba hami & Jacayl ku beerma, bal ka waran qofkaas hamiga Jacaylku ku abuurmay haddii mid kale laga raaco sow khiyaano & sir loo geystay ma aha?.

Dhacdo hadda kahor ku dhacday gabar khiyaameysay wiil saaxiib la ahaa oo muddo badan ka dhur sugayay isagoo aaminay, balse ay iyadu muddadaas khiyaano & sir Jacayl ku waday ayaa wuxuu wiilkii ka war helay in gabadhii uu jeclaa ee ballanta kula gashay guurka loo soo sheegay in xafladdii arooskeeda uu dhacayo, wuu beensaday oo ka-ma uusan fileyn, markaasuu tagay goobtii xafladda arooskeeda, markii uu hubsaday in iyada la guursanayo ayuu naxdin la suuxay, wax yar kadib markii uu soo baraarugay ayaa waxaa afkiisa ka soo burqaday tix gabay habaar ah oo ku bilaabanaysa sidan “Ilaah & Owliyadaan baryiye, Allow af-ku-leeble iga yeel, Ayaamo nuxuus laguu hoo, oo arooska asaay laguu saar, abeer noqo feera weyn, oo Allow yaadan dheelin dhallaan, ninkii ku guursada geeriyoo, oo Allow yaadan gelin gandoob, haddey dhalyadeenu dhab tahay, Allow yaadan dhalin dhal nool nool”.

Intaas markii uu mariyey ayuu meeshii ka luuday, balse labo Usbuuc kadib ninkii gabadhaas guursaday xannuun ayaa ku soo booday oo wuu geeriyooday, markaa kadib ayaa nin walaalkiis ahi dumaalay, isna cudurka TB-da ayuu muddo kadib u dhintay, waxa kale oo guursaday nin kale oo isna ka dhintay, kadibna nin kale ma aysan guursan, wax carruur ahna ma aysan dhalin oo wiilkii daacadda u ahaa ee ay sirtay habaarkiisii ayaa asiibay.

Cuqubadaas foosha xun waxaa u sabab ah been & khiyaano lagu sameeyay qof daacad ah damacna laga soo riday, kadibna looga baxay oo meel cidlo ah looga tagay

No comments:

Post a Comment