Thursday, May 13, 2010


KHiyaanada IYo Beenta Waa Burburiyaha Jaceelka!!!!!!! INta Badan waxaa dhacda in labo qof oo Lamaane ah ay si kedis ah oo lama filaan ah isu gariifaan amaba ku kala tagaan, waxaana inta badan kala tagoodaas ama is gariifkooda sabab looga dhigaa bilowga haasawahooda oo ay ku unkaan been & hadalo aan jirin oo khayaano ah.

Haddaba beys xumida & been ku shukaansiga ayaa lagu tilmaami karaa kuwa ugu waaweyn ee ka dambeeya khilaafka soo noqnoqda ee ka dhex dhaca Lamaanayaasha, waxa aadna arrintan si toos ah uga dhex fahmi kartaa dhaqan haasawadeedka bulshadeena Soomaaliyeed, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa xikmadda ay ragga qaar ku dhaqmaan ee oranaysa “Naagi been ayaa lagu soo xero geliyaa runna waa laguu dhaqaa” haddii aad u fiirsato xikmaddan waxaad arkaysaa halka ay mushkiladdu ka curato inay tahay guurka salka looga dhigayo beenta, iyadoo la ogyahay in beentu ay xaaraan tahay haddana wax been sal looga dhigay nafci & naxariis kama ay soo baxaan waayo qofkii been lagu soo siray markii uu xaqiiqda ogaado wuu ka aamin baxayaa qofkii soo khalday, taasina waa bilowga ismaandhaafka & kala taga lamaanayaasha Caashaq wadaaga noqday.

Ragga oo kaliya beenta ma adeegsadaan oo dumarkuba waxaay hal-heys ka dhigtaan oraahda oranaysa “Naagi Kun bey kulmisaa, kowna way kala baxdaa” ku dhaqanka murtidan waxaa ka dhalanaya khiyaano, waayo dumarka haddii Kun nin ay haasaawe ku kulmiyaan sow ma dhacayso in nin walba hami & Jacayl ku beerma, bal ka waran qofkaas hamiga Jacaylku ku abuurmay haddii mid kale laga raaco sow khiyaano & sir loo geystay ma aha?.

Dhacdo hadda kahor ku dhacday gabar khiyaameysay wiil saaxiib la ahaa oo muddo badan ka dhur sugayay isagoo aaminay, balse ay iyadu muddadaas khiyaano & sir Jacayl ku waday ayaa wuxuu wiilkii ka war helay in gabadhii uu jeclaa ee ballanta kula gashay guurka loo soo sheegay in xafladdii arooskeeda uu dhacayo, wuu beensaday oo ka-ma uusan fileyn, markaasuu tagay goobtii xafladda arooskeeda, markii uu hubsaday in iyada la guursanayo ayuu naxdin la suuxay, wax yar kadib markii uu soo baraarugay ayaa waxaa afkiisa ka soo burqaday tix gabay habaar ah oo ku bilaabanaysa sidan “Ilaah & Owliyadaan baryiye, Allow af-ku-leeble iga yeel, Ayaamo nuxuus laguu hoo, oo arooska asaay laguu saar, abeer noqo feera weyn, oo Allow yaadan dheelin dhallaan, ninkii ku guursada geeriyoo, oo Allow yaadan gelin gandoob, haddey dhalyadeenu dhab tahay, Allow yaadan dhalin dhal nool nool”.

Intaas markii uu mariyey ayuu meeshii ka luuday, balse labo Usbuuc kadib ninkii gabadhaas guursaday xannuun ayaa ku soo booday oo wuu geeriyooday, markaa kadib ayaa nin walaalkiis ahi dumaalay, isna cudurka TB-da ayuu muddo kadib u dhintay, waxa kale oo guursaday nin kale oo isna ka dhintay, kadibna nin kale ma aysan guursan, wax carruur ahna ma aysan dhalin oo wiilkii daacadda u ahaa ee ay sirtay habaarkiisii ayaa asiibay.

Cuqubadaas foosha xun waxaa u sabab ah been & khiyaano lagu sameeyay qof daacad ah damacna laga soo riday, kadibna looga baxay oo meel cidlo ah looga tagay


Kumaa ah lamaanaha noloshaada aad ku halayn karto????? Ama Aad Ku Aamini Karto Hanoqdo Mid Laga Hello Qodobada Hoosku Xusan....... Qofka waa in aan ku qiimeeynaa wanaagyada maldahan ee dabeecadda maxaa yeelay iyadaa ah midda sida saxda ah u go’aamineysa sida uu qofka isaga iskula macaamili doono, adiga uu kugula macaamili doono, carruurtiinuna hadhow ula macaamili doono. Sidoo kale wanaagyada maldahan ee dabeecadda ayaa ah aasaaska xirriir kasta oo uu dadka wadaago, waxaana jira wanaagyo lagu qiimeeyo qofka aad nolosha la wadaageysid, kuwaasoo aan ku soo koobeyno shantan qodob:- 1. Daacadnnimo iyo run-sheegid: Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee keena xirriir caafimaad qaba. Haddii aad ogaato qofka nolosha aad la wadaageysid in uu yahay runlow, taasi waxa ay ku siineysaa dareen weyn oo deganaan ah. Dhinaca kale hadddii aad ogaato in lamaanahaaga uu been kuu sheego waxaa ku soo wajahaysa nolol kacsan, shaki badan & carro badan, sababtoo ah haddii aan runta la isku sheegin kala shakin ayaa imaanaysa, taasoo carqalad ku keeni karta lamaanayaasha, isla markaana burburin karta kalsoonidoodii iyo is aamminaaddoodii. 2. Daareen deeqsinimo: Xirrirka ama lamaanennimada caafimaadka qabta kuma salyesna in la wadaago aqalka iyo sariirta ee waxay ku saleysan tahay in la wadaago dareennada, taas micnaheedu waxay tahay xabiibkaaga in aad u muujiso jacelka aad u qabto inta uu la egyahay, isla markaana aad u sheegto sida uu kuu qiimeeyo adi-ga. Waana in labada dhinacba had iyo jeer la isku muujiyaa dareen iyo is qiimeyn dhalanteed ka fog. 3. Dareen mas’uulnimo: Xabiibkaaga ama xabiibtaada waa in ay noqotaa qof u bisil in ay iyada is daryeesho adigana ku daryeesho. Mas’uulnnimadu waa in qofka uu ka fekaro nolosha iyo dareenka inta uu mas’uulka ka yahay. 4. is qiimeeyn sarre: Xabiibkaaga waxaa uu ku jeclaan karaa inta uu isaga is jecel yahay. Qaladka ugu weyn ee aan sameeyno marka aan xabiib ama lamaane dooraneyno waa inagoo xoogga saarna ilaa inta uu qofku na jecel yahay iyo sida uu noola dhaqmo, balse inaga ma eegno sida uu isaga iskula dhaqmo. Haddaba, xabiibkaaga is qiimeyntiisa marka uu sii kordhiyo xirriirkiina waa uu xoogeystaa. 5. Fekrad suggan: Lamaanayaasha rajada fiican nolosha ku leh waa dad ay ka buuxaan hamiyo wax ku ool ah iyo waxqabadyo waxtar leh. Haddii qofka nolosha uu ka fiiriyo dhanka fiican waa lamaanaha kuu horseedi kara nolol farxad iyo reyn reyn leh, isagaas ayaana ah lamaanaha aad ku haleyn karto noloshaada.DHAMAAD,,,,,,,



Calaamaadka JACEYLKA Maxaad Ku Ogaan Kartaa ..Sii Akhri.....
Calaamaadka JACEYLKA Wax Badan Ka Ogooow

Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco .Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho . Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan: Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican . Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya . Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan . Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa. Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow. Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho . Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah . Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur . Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin . Calaamadaha Jaceylka: Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka . Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni . Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele. Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaalncal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur . Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto . Ubaxu Waa Luqada Jaceylka Dadka is jecel ee Duinada ku nool waxa ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku muunjiyaan Jaceylkooda iyo waxa ay rabaan . Tanina waxa ay tahay luqad u gooni ah oo uusan fahmi karin qof aan dhadhamin waxa uu yahay Jaceylka mooyee iyadoo luqadaasina ay tahay Luqadda Ubaxyada oo ka mid ah luqadaha ugu fiican Aduunka . Hadaba Haddii Laanta Ubaxa u janjeerto dhanka Midig micnaheedu waa (Aniga ) . Haddii ay u janjeerto dhanka Bidix micnaheedu waa (Adiga) Hadii Ubaxa laguugu soo dhiibo gacanta Midig waxa ay ka tarjumeysa jawaab wax ku ool ah oo lagu farxo haddiise laguugu soo gudbiyo Bidix waxa ay muujineysa jawaab aan fiicneyn oo aan wax ku ool aheyn. Haddii Haweeneydu laanta ubaxa saarto wadnaheeda korkiisa waxa ay dooneysaa in ay tiraahdo “Waxaan jeclahay” . Haddii haweeneydu Ubaxa ku tidicdo timaheeda waxa ay taasi ku tuseeysaa Digiin . Midibada Ubaxa iyo micnaha ay xanbaarsan yihiin . Midibka Gaduudka Micnahiisa: Aniga waxaan diyaarinayay maalmihii mar kale aynu wada kulmi laheyn . Midibka Gaduudka Buuxa Micnahiisa: In Badan ayaan ku weysanaa. Midibka Jaalaha Micnahiisa: Run ayaan kuugu dhaaranayaa waan ku jeclahay . Midibka Cadaanka ah Micnahiisa:Waxaan aamisanahay hufnaantaada iyo ceeb la`aanta waxaana dhowrayaa dhowrsanaantada. Midibka Oranjiga ah Micnihiisa: Waxaan ahay saaxibkaaga daacadda ah . Midibka Maariinka micnihiisa:Waxaan kuu rajeeynayaa guul iyo barwaaqo. Midibka Baluuga:Waan ku bar bar taaganahay inta aan ka dhimanayo . Tirada Ubaxyada iyo micnahooda 1-Halkii Ubaxa Ah: Wax waliba waa ii Adiga . 2-labada xabo ee Ubaxa: Ina keen aynu wada safarnee . 3-sedexda Ubax: koorma ayaan awoodaa in mar kale aan kuula kulmo. 4-afarta xabo :Waan kuu mahad celinayaa . 5-shanta Ubax: Wax walab oo aad iga codsato waan sameynayaa. 6-lexda Xabo ee Ubax: Sheekadaada ama hadalkaada ayaan u xiisay . 7-todobada Ubax :waan ku Jeclahay . 8-sedeeda xabo ee Ubax :daacad ayaan kuu ahay inta aan ka dhimanayo. 9-sagaal Ubax:waxaan rabaa in aan kaligey ahaado xagaada . 10-Tobanka Xabo ee Ubax: Ma Dooneysaa in aad i guursato Aniga . Dhambaaol Jaceyl oo kooban : 1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka . Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday . Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaasio. Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga . Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka . Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo . Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada . Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd . Dhambaalo Jaceyl : Macaanto/macaae, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso/Gacliye i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey/Macaane Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo. Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey/Macanaae la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale. Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada’iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay. Adigana Macaaneey/Macaanoow waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin Macaanto dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono. Inta Dumar/Rag filkaa’iyo Waxaad tahay Faceed tii u fiicneyd,Umaad dhalan Fudedd iyo Fowdo in aad Abuurtoo Faduul Aadmi maad baran,Fariidaan jaclaayey Fikradaada wacan iyo Fahmadaada Badanbaa Facaa aad ku dhaaftee Alle ii kaa Fayoobee Macaaneey/macaanoow. Cishqibeygu fidayoo Feeraha dhexdoodiyo Halbowlaha ku faafee,Waxasina waxaa i garsiiyey Waa Codkaaga Dahabiga ah ee lagu laray Dareemihii Jaceylkeyga kii ugu badnaa,Marna ma moogaan karo codkaaga ,sidoo kale marna ma sugi karo inta aan ka helayo Qoraalkaaga iyo Sheekadaada. Fariin kale : 1-Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn. Jirkaag siman , indhahaaga qurxoon oo hadii dunida oo idil isu timaado sifeyn karin ayaan u oomanahay ,. Mana ah markii ugu horeeysay oo aan fariin kuu soo diro oo ay ka muuqdaan Oraahyo muujinaya Jaceylka aan kuu qabo iyo muragada i haysa waxaan kaa sugayaa jawaab guud ahaan iga baabisa muragada aynu ku dheehan tahay ogalaasho ku aadan in aad wax ila qabto . Jawaabta Fariinta:Waa ay i soo gaartay fariintaadi wareegga dhiiga saameyneysay ayna ka buuxday rabitaanka Jaceylka iyo isu soo dhawaanshaha Jawaabta soo daahday-na waxa ay aheyd mid aan ku eegayay inta uu la eg yahay Sabarkaaga iyadoo aan sugi waaysanaa jawaabtaada ayaa waaxa ii keenay boostaale. Waan ku farxay aqrinteeda markii aan dhadhamiyay dareenada ka muuqda ee fog ee igu aadan , markii aan si wacan u sii eegayan-na Ilmo ayaa iga soo hoortay . Waa ikanaa aniga oo kuu soo diraya fariin muujineysa sida niyad samida ah ee aan kaaga aqbalay Jaceylka iyo rajada macaan ee aad ii qabto , waxaana tix gilinayaa ilinta iiga dhacday dhulka markii aan aqriyay fariintaadii ugu dambeeysay ee aad ku soo bandhigtay cudurka ku hayo . Fariin kale:Ka hor inta aan bilaabin qoraalka erayadaani ii ogolaaw in aan muujiyo waxa ka soo baxayo qalbigeyga ee muragada iyo farxadda leh taasi oo ah kuleylka Jaceylka aan kuu hayo . Ma garanayo meel aan hadal kaaga bilaabo taasina waa karaaca wadnaheyga oo doonayo in aan uu kuula shaqeeyo muragadana iga qaadid , Saacaddii aan ku arkay ilaa hadda indhaheyga waxa ay diideen in ay seexdaan oo ay dhadhamiyaan macaanka hurdada , waxaan kaa fekiraa Habeen iyo maalin waxaan ku riyoodaa in mar uun aan ku heli doono . In badan ayaan ku kormeerayay mudadaasina waxaan ku ogaaday in aad tahayqof dhowrsoon oo iina qalantana , waxaana dareemay in nafteyda ka maarmin naftaada . Si aan kuugu muujiyo dareenkaasi waxaan kaa codsanayaa in aad iga aqbashid in aan kuula kumo . Jawaab fariintaasi :Wax lala yaabo ma ah in markii aad i aragtay uu kuugu dhacay cudurka indhaha l`a ee Jaceylkaasi ah ,shakigana iigama jira in aad dareemay nooca aragtidaada waxaan dareemay in uun wax jiraan , waadna i hamisay iyadoo aan wax hadal ah na dhex marin sidaa awgeed waxaan kaa ogalaaday in aan kuula kulmo beri galab si an u qiimeeyo cadeeynmaha Jaceyl ee aad ii Hayso . Waxaan kaa rajeynayaa in hadalkaaga uusan noqon mid qiyaano , waana suura gal in nolol daacad kuwada noolaano . Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay: In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon . Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey. Ha la yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan milkiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in duniada oo dhan uu saameeyo. Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan. Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan . Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca . Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad . Jawaabta fariinta:Qaali ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo . Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus . Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo badhigo quruxdaada . Ku kolsoonaaw qaali in aan noolaneyn la`aantaada oo aan dhibkaa Jaceylka iyo faa`idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo . Xabiibi waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go`a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno

Ma Qaldame Waa Alle ---Ee Wixii Aad Ka Shakisaan Nala Soo Socodsiiya Adinkoo Ku Mahadsan....

Waa saaxiibkini 'abdifatah mohamed isse'(hoffman)

MAXAA U SABAB AH IN LAMAANA ISJECEL SI FUDUD KU KALA TAGAAN ?
Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal ah isku furaan?” Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas. Dhammaad.

Barcelona ups
Cesc Fabregas is clear that he will play in Barca's shirt next season, and this thing is known by those surrounding the player, whether "family", "friends". Cesc to reach agreement with Barcelona, personally, it may be a contract for four seasons, in addition to the option of renewal for an additional season.
But more importantly, it must be agreed with Arsenal for the renunciation of Cesc. Club ... English already knows the attention span of Barcelona by Cesc Fabregas, this is a reality, Arsene Wenger spoke with the player and knew what he wanted Fabbri. French coach was grateful for Cesc, and vice versa.
Fabregas wants to be Brchillonya before going to the World Cup:
Real serious pressure toward contracting with Sisk, on the basis of the strength of the financial proposals submitted by the club's white. Manchester City are also on the line, as well as Inter Milan, but Fabregas does not want to go to another team and repeat the same error when I move to Arsenal.
The story is very clear, Cesc wanted to move to Barcelona, Sandro Rosell, fully supported the player return to the club, as well as Joan Laporta, who is leading the negotiations, and with both "Joan Oliver" and the first responsible for the contracts, "Cheke", and Pep awaiting the good news.
He spoke "beep" with "Cesc" to assure him that he wants on the team, and explain his role in the team and its relevance in the event if all goes well and returned "Cesc" of Parsa again.
Fabregas became clear more than ever, he wants to leave Arsenal of the big door, and stressed that he would not press club, as pointed out also that he would not play games dirty out ignominiously from the club Alinglezi and explained that I must Barcelona agree with the Arsenal first . The deal could soon be pumping when FC Barcelona € 40 million on the table, can be fully integrated from Toure to reduce the price .... I wish you could Fabregas due to Paracha Tani .......... There will dream team

Monday, April 12, 2010

wellcome


MAXAAD KA TAQAANAA JACAYLKA IYO SIFIHIISA?

Nin iyo xaaskiisa khilaaf darteed in ay isku furan go’aansaday, ayaa haweeneydu waxay ku dooday in aannu farriinku ansax aheyn ilaa ninku ka bixinayo meherkeeda oo sida la sheegay ahaa 700 garaam oo dahab ah.

Haweeneyda iyo ninkan oo buuqooda ay ku soo baxeen odayaal ayaa waxa lagu go’aamiyey in ninka meherka, maadaama aannu heli karin hadda dib ka keeno, isaga oo ku furay hal dalaaqo, laakiin haweeneyda oo saldhig maxkamaduhu maamulaan u dacwootay ayaa la sheegay in ninka lagu qasbay in uu gabadha qabo ama meherkeeda uu siiyo mar haddii ay iyadu sidaa dalbaneyso, kadibna ay fududaatay qabniinkeeda oo sidaas ayuu rajactu ku yidhi.

Meherka qiimahiisa sarreeyo ayaa inta badan badbaado u noqdo furriinka sii badanaya, iyada oo xilliyadan dambe meherka oo la khafiifiyey ay keentay furriin badan, halka waayidii hore geel aad u fara badan lagu mehersan jiray gabadha, furriinkuna wuu yaraa.

Jaceylku waa shey qaali ah oo ku lamaansan jiritaanka nolosha aadanaha. Jaceyl ma aha wax laga maarmi karo magaca uu wato ayaad ka garan kartaa oo qof waliba ayaa wax uun jecel.

Lixda xaraf ee uu erayga jaceyl ka kooban yahay asal ahaan dadka caashaqa lafogura mid waliba micno gooni ah ayey ku sifeeyeen, waxayna ka dhigeen erayo macnayaal dhammeystiran leh oo la isku geeyey, kuwaas oo kala ah:

J ---------Jahawareer

A--------- Amakaag

C--------- Calaacal

A---------- Anfariir

Y---------- Yaab

L----------- Luul.

Haddaba, erayadan waxa ay mid mid u muujinayaan jaceylka iyo waxa lagala kulmo. Run ahaantii mar waa jahawareer, marna amakaag ayuu kugu ridaa, mar waa la calaacashaa, mar anfariir, mar yaab marna waa farxadoo Luul ayuu luqunta kuu galiyaa.

Bal markan aanu eegno eryaga jaceyl marka luuqadda Ingariiska loo dhigo LOVE isna waxa uu noqonayaa sidan.

L---Lack of Pleasure (Faraxad la’aan)

O—Ocean of madness (Badda Murugada)

V—Valley of Death (Dooxada Dhimashada)

E—End of live (Dhammaadka nolosha).

Haddaba, macnaha kooban ee jacaylka waa macaan, iyo waraar hadda sida qofka u asiibo u soo maro haddii jaceylka lammaanayaasha isla walwaalaya mid waliba uu dhankiisa ka waraabinayo waa macaan farxad iyo guul, iyo Badhaadhe, marka uu qadhaadhka noqonayo ee dhimashada iyo dhibaatada halista leh uu sababayo waa marka laga waraabinayo hal dhinac oo qofka uu jaceylku ku dhaco qofkii uu jaclaaday aanu la wadaageynin oo wiilka ama gabadha uu midkood kali ku noqdo.

Jaceylka waxaa la sheegaa in aabbihii uu yahay nasiibka, hooyadiina calafka, walaalihiisna dadaalka dadka uu jecel yahay waa kuwa runta iyo daacada uu ka yahay, kuwa uu neceb yahay waa kuwa ka been sheega kuna qadhaabta ee daacada aanu ka ahayen dookha ayey heshiis iyo saaxibo wadda yihiin, wuxuuna jaceylku ka yimaaddaa dareenka waxa uuna degaa qalbiga.

Wednesday, March 31, 2010


ma jira qof la doodi kara ama ka hor iman kara jacaylka balse waxaa la arki akraa qof isku daya in uu iska ilaaliyo jacaylka ugu danbeyntana uu ku dhaco ,waxaad ogaataa mar walba in uu yahay jacaylku mid jira oo ku soo mari doona hadii aanu wakhti xaadirkaa ku helin,jacayllku wuxuu leeyahay xanuun iyo kurbo aad u weyn taas oo qofka uu hayo dareemi karo mar walbana wuxuu qofkaasi ka fekeraa sidii uu jacaylkiisa ku hanan lahaa balse su'aasha lays weydiiyo ayaa ah maxaa dadka is jecel ay u yeeshaan xaasid maxaase dadka is jecel badan koodu isku hanan waayeen?hadii aan isku dayo in aan ka jawaabo su aashan waxaa jirey hada ka hor gabay aad u dheer oo aan tiriyey kaas oo aan ka dhigay sidii laba qof oo is jecel iskuna dardaarmayey waxaa ku jirtay hal tududuc oo ka mid ahay Gacaloy waxaa jira laba uu illaahay ku mideeyey noloshoo cishqi wada sameeyey misna aan aroosiyo raaxada aduunayda weligood wadaagin sababtuna waxay tahay midkoodbaa sagsaagoo wacadjii jacaylkiyo balanytii ka leexday, hadaba waxay tuducdani inoo cadeenaysaa in dhibaatada ugu weyn ee dadka is jeceli siku waayaan ay tahay in midkood uu balanta oofin waayo isaga oo dhalaalka aduun yada run mooda, waa dhacda oo la arkaa in ay jiraan dad badan oo aroos iyo guur soo mara balse ugu danbeynata ku soo noqda qofkii ay hor u jeclaa waayo qofka binu aadanka ah wanaagiisa sharaftiisa iyo wax walba in uu helo waxaa la jecel qofka jecel ee lama jeclaan karo qofka uu isagu markaa jeclaaday

Ma jiro qof aaduunkan ku nool oo odhan kara jacaylku ma jiro hadii ay taasi dhacdana wuxuu ka hor imaayaa abuurta illaahay waayo illaahay isagaa subxanahu watacaalaa abuuray cadhada jacaylka iyo murugada intaba,waxaase loo baahan yahay in dhamaantood la xakameeyo oo aan lagu talax tegin mana aha in wax walba oo dhaqanka ka talaabsanaya inta lagu kaco la yidhaado waxaa sababay jacayl,anigu qoraa ahaan waan ogahay in uu jiro jacaylku balse waxaan ka soo horjeedaa sida loo bedelay jacaylkii dhabta ahaa ee weligii jiray kaas oo dad badani ay hada xumaan ka aamineen waayo qof walba oo aad aragtaa wuxue leeyahay jacayl ayaa i haya bal marka hore is weydii oo waxaad tidhaahdaa jacaylku sidee u eegyahay ka hor inta xiisaha yar ee ku hayaa aanu ku qaadin